Tuesday, June 18th, 2019
header

Xulka Itoobiya Oo Garaacay Xulka Somaliya

Xulka Ethipia ayaa 4-0 uga  badiyay xulka Soomaaliya ee 23-jirada tartanka is reebreebka ciyaaraha Olombikada adduunka iyadoo lugta hore ay gelinkii dambe ee maanta lagu ciyaaray magaalada Addis-Ababa ee caasimada Ethiopia.

Xulalka 23-jiarada Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa wada dheelay kulankooda kowaad ee is reer reebka ciyaaraha olimikada aduunka oo lagu qabandoono magaalada Tokoyo ee dalka Japan

Kulanka ayaa qeybtii hore waxaa ay xulka Ethiopia ay ka dhaliyeen xulka Soomaaliya 2 gool. Xulka Ethiopia ayaa labada gool waxaa u dhaliyay laacibkooda Canaan Israel eshetu daqiiqadihii 28 iyo 38-aad

Qeybta labaad kulanka xulkeena ayaa soo bandhigay ciyaar ku dheehan farsamo,balse gool ku laad loo dhigay xidigaha Ethiopia ayay dhaliyeen waxaana caalamada casaanka ka qaatay mid ka mid ah ciyaaryahanadooda waxayna ciyaarta kusoo idlaatay 4-0 oo ay guusha ku qaatay wiilasha 23-jirada ee Ethiopia

Lugta labaad ayay labada wadan kuwada dheelidoonaa Khamiista soo aadan wadanka Jabuuti oo guri ahaan u ah xulka Soomaaliya sanadihii laga soo gudbayna tartamo kala gedisan ku ciyaaray, haddii ay ku badiyaan shan gool iyo waxba ayay xulka Soomaaliya u gudbi karaan wareega labaad ee tartanka isreebreebka ciyaaraha Olombikada Adduunka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *