Friday, July 19th, 2019
header

Xog:-Xiliga la Qaadayo Dacwada Bada Ee Soomaaliya & Kenya

Maxkamada Caalamiga ah ee ICJ ayaa waxaa ay ku dhawaaqday waqtiga ay qaadayso kiiska dacwada Bada ee  u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Waxaa ay sheegtay Maxkamada ICJ in  Sagaalka Bisha September ee Sanadkaan ay dhageysan doonto dacwada bada ee Soomaaliya iyo Kenya, iyadoona socon doonto ilaa iyo illaa 13 Bishaasi..

Maxkamadda ayaa Talaadadii waxay shaacisay jadwalka dhageysiga dacwadda, waxaana The Hague tagidOona ergo ka kala socota Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya kuwaas oo ka qayb galaya dooda labadda dal.

Sanadkii 2014kii ayaa Dowladda Soomaaliya waxay Maxkamadda Caalamiga ee Hague geeysay Kiiska dacwad ka dhan ah Dowladda Kenya oo si xad gudub iyo awood maroorsi ah ku dooneeysi bayiha Khayraadku dhex ceegaagayo ee Soomaaliya.

Dowlada Kenya ayaa ku dooday in Maxkamaddu aysan awood u lahayn in ay dacwadda qaado, balse Soomaaliya ayaa ku guleeystay doodii ku saabsaneeyd awoodda Maxkamada waxayna Maxkamaddu xukuntay in ay Awood u leedahay in dacwadda ay dhageysato.

Wixii ka dambeeya 13-ka September ayaa the Hague waxay shaacin doontaa xilliga ay gaari doonto go’aanka xukunkeeda, haddii aan loo baahan fadhiyo dheeri ah oo dacwadda lagu dhageysto doono.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *