Friday, July 19th, 2019
header

Xaflad Lagu Sii Sagootiyay Mr Sean Oo London Lagu Qabtay.

Kulankani oo ay ka qeyb galeen Qaar ka mid ah Jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan Magaalada London ee Cariga Dalka Britten ayaa waxaa  uu  ahaa mid lagu sii sagootinayay Diblomaasiga Mr sean oo ka tirsanaa shaqaalaha Safaarada Mareekanka uu ku leeyahay Dalka Britten.

Xaflada Oo Si gaar ah loogu Qabtay Xarunta (HEARING WOMEN) ee Maagalada London ayaa waxaa ku sugnaa Gudoomiyaha Ururka Somali bantu Ee Cariga Dalka Mareekanka Eng Yarow Shariif Aadan kaasi oo qeyb ka ahaa Xubnaha Lagu Casuumay Madasha kana hadlay ogaalka xaalada dalka iyo dhibaatoyinka xiligani ka jira una baahan in wax laga qabto.

Mr sean ayaa dhageystay  Cabashada ay qabaan dadka qaar ee ka qeyb Galay kulanka kuwaasi oo ka hadlay dhibaatada ka jirta gudaha dalka Soomaaliya sida in laga taagero waxbarashada, Caafimaadka iyo awoodaha jira ee hogaanka dalka oo lagu liido sida ay hadalka udhigeen dhinacyadii ka qeyb galay kulanka.

Mr sean ayaa ubalan qaaday dhamaan dadka Cabashada ka horjeediyay in uu hor geyndoono hogaanka sare ee madaxda Mareekanka si wax looga qabto Uu usameyndoono dadaal dheeri ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *