Wednesday, August 21st, 2019
header

Webiga Shabelle Oo Fatahaad Lixaad leh Ku Dhuftay Tuuloyin Hoos taga Degmada Mahadaay Ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Iyada oo ay Sii kordhayaan Tuulooyinka fatahaadaha uu ku dhufanayo webiga shabelle ayaa waxaa soo baxaya Qeylo dhaan ay dirayaan Qaar ka mid ah Gudoomiyaasha tuuloyinkaasi oo ugu baaqay guud ahan Umada Soomaaliyeed Beesha Caalamka Maamulada Dowliga iyo hayadaha Samafalka in ay ka caawiyaan sidii loo samata bixin lahaa dadka ay go,doominayaan biyaha webiga shabelle.

Cabdulaahi Xasan Shuceyb Waa Gudoomiyaha Tuulada Shidle Bari ee ka tirsan Deegaanada Hoos taga Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabellaha dhexe Qadka talefanka ayuu ugu waramay Asal radio waxaana uu uga warbixiyay xaalada fatahaadaha webiga shabelle qeybta deegaankiisa saameynta xun ee uu ku yeeshay.

Shuceyb waxa uu tilmaamay in dhul beered ku siman 2,000 oo hekters ah in ay biyaha ku fideen qasare kala duwana uu ka soo gaaray beeraleyda degan shiidle bari kuwaasi oo uu kala tagay webiga shabelle dalagyadii ay beerteen sanadkani.

Waxuu rajo xumi uu ka muujiyay saadaasha tacabka beered ee sanadkan isaga oo usababeeyay biyaha dibada uga soo baxay webiga shabelle kuwaasi oo dib udhac ku keeni doono xiliga beerashada Deyrta ah ee hada lagu guda jiro.

Ugu danbeyntii gudoomiye cabdulaahi xasan shuceyb ayaa sheegay in ay wadaan dadaalo ay isugu dayayaan sidii ay jawaano ugu xerilahaayen meelaha ku dhow dhow deegaanadda ay degan yihiin oo ay biyaha fatahaada webiga kaabiga ay ku hayaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *