Saturday, September 21st, 2019
header

Wasiir Goodax Barre Oo Maanta Gaaray Magaalada Baydhabo .

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ahna xarunta KMG u ah Maamulka Konfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa Maanta gaaray wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi goodax Barre, iyada oo halkaasi si diiran loogu soo dhaweeyey.

Wasiirka Waxbarashada ayaa waxaa uu kulan la qaatay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed(laftagareen), iyaga oo ka wada hadlay arrimo dhowr ah

U jeedka Wasiirka Waxbarashada Soomalaya uu u gaaray Baydhabo ayaa waxaa lagu sheegay in uu halkaasi uga qeybgeli doono shir u dhexeeya wasaaradda waxbarashadda hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo wasaaradaha waxbarashada maamul goboleedyada dalka

Shirkan ayaa diirada ku saari doonaa horumarinta waxbarashada guud ahaan dalka iyo sidii ardayda Soomaaliyeed u heli lahaayen waxbarasho dhameystiran.

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federalka Soomaaliya Cabdullaahi goodax Barre ayaa uga mahad celiyey madaxweynaha maamulka koonfur-galbeed iyo soo dhaweyntii iyo marti galinta shirka wasaaradda waxbarashada Soomaaliya iyo kuwa wasaaraddaha maamul gobaleedyada dalka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *