Tuesday, June 18th, 2019
header

Wasaarada Caafimaadka Oo Soo Gaba Gabeeysay Olele Qaliin ah.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumaadda Federalka Soomaaliya  ayaa soo gabagabeesay olole qaliin loogu sameeyay in ka badan 100 Haween ah oo laga qalay Xanuunka isku furanka Hooyada( Obestetric Fistula), oo daawayn iyo daryeel loogu suubiyay ololahaan oo ah kii lixaad oo ay wasaaradda Caafimaadka soomaaliya fuliso lagana fuliyo Isbitaalka Dayniile, iyadoo kaashanaysa Hay’adaha UNFPA iyo Physicians Across Continents Pac.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaaliya marwo Dr Fawziya Abiikar Nuur oo Hadal ka jeedisay xaflada xiritaanka ololaha ayaa tiri “Waxaa sharaf weyn inoo ah haddaan nahay wasaaradda cafimaadka inaan la dabaal degno islamarkaana aragno Dhoola cadeynta iyo Farxada inka badan 100 Haween Soomaliyeed oo ay maanta u soo laabatay farxadii iyo dhoola cadayntii muddo ka maqneed.waxaana sii wadi doonaa rajo abuurka iyo soo celinta farxada hooyooyinka soomaliyeed ee la il daran xanuunka isku furanka Hooyada”

Wasiirada Caafimaadka Soomaaliya  ayaa sidoo kale ku bogaadisay Howlwadeenadii ka soo shaqeeyay barnaamikaan, isla markaana amaan u soo jeedisay dhaqaatiirta iyo Mihnad la-yaasha ka yimid Dalka suudaan sida wanaagsan oo ay u fuliyeen ololahaan qalliimada ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *