Wednesday, August 21st, 2019
header

Wadada Isku Xerta Jowhar & Muqdisho Oo Laga Deyrinayo.

”Jowhar” Qaar kamid ah wadeyaasha gadiidka ka howlgala gobolka shabellaha dhexe ayaa cabasho ka muujinaaya isticmaalka wadada u dhaxeysa magaalooyinka muqdisho iyo jowhar gaar ahaana deegaanka garsaale ee gobolkaasi shabeellaha dhexe.

Mid kamid ah wadeyaasha baabuurta xamuulka ee ka shaqeeya labada gobolka banaadir iyo shabeellaha dhexe ayaa Radio Heals u sheegay in dhibaatooyin kala duwan ay ku qabaan isticmaalka wadada u dhaxeysa jowhar iyo muqdisho.

Wuxuu sheegay in dhibaatooyinka ay qabaan kamid tahay in laga qaado lacago ka baxsan tan canshurrhara sharciga ah lacagtaas oo aan lagaraneynin ujeedkeeda sido kalana ay mudo ku qadato safarka labada magaalo.

Wadahaan gaariga xamuulka ee ay soomaalida u taqaan inatareyga ayaa ka dalbaday Maamulka hirshabeelle iney waxka qabtaan burburka wadada ka jira si ay u yaraato dhibaatooyinka ay shacabku qabaan.

Sidoo kale mid kamid ah darawalada ku shaqeysta mootooyinka tuk tukta ama bjaajta ee gudaha magaalada jowhar ayaa sheegay in lacagaha canshuuraha ah ee maamulku ka qaado aaney helin badalkeeda isagona madaxda gobolka ugu baaqay in xaalada taagan wax ka badal ay ku sameeyaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *