Saturday, September 21st, 2019
header

Shirka Dastuurka Oo Weli Ka Socda Magaalada Muqdisho.

Kulan wada-jir ah oo hay’adaha Dastuurka ay isugu yimaadeen Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu hadda ka socda Xafiiska Wasaaradda Dastuurka Ee Soomaaliya.

Kulanka waxaa diiradda lagu saarayaa dardargelinta hawlaha dib u eegista Dastuurka Ee Qabyada ah.

Waxaa kulankaan ku sugan Wasiiradda maamul goboleedyadda dalka ee dhanka dastuurka uqaabilsan, Guddiyadda kala duwan ee qaabilsan dastuurka Dalka.

Shirkaan ayaa waxaa shir Gudoominaya Wasiirka dastuurka Xukuumadda Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac, iyada oo uu kulanka qeyb ka yahay kulamo muqdisho ka socday maalmihii ugu dambeyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *