Saturday, September 21st, 2019
header

Shir Deg Deg ah Oo ay Isugu Yimaadeen G/wasiirada KGS.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Soomaaliya C/casiis Xasan Maxamed laftagareen ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shir deg deg ah oo Golaha Wasiiradda Koonfur Galbeed ay ugu hadlayeen Ansixinta Miisaaniyad Sanadeedka 2019-ka ee Wasaaradda Maaliyadda Maamulkaasi.

Kulankaan ayaa lagu soo bandhigay Miisaaniyadda maamulka Koonfur Galbeed oo ay soo diyaarisay wasaarada maaliyada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sheegay in loo baahan yahay in si deg deg ah loo kordhiyo daqliga maamulka Koonfur Galbeed,islamarkaana lasoo aruuriyo Canshuuraha maamulka.

Dood dheer kadib waxaa si gacan taag ah lagu Ansixiyay miisaaniyad Sanadeedka 2019-ka Dowladda Koonfur Galbeed Ee Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *