Friday, July 19th, 2019
header

Rag Loo Qabtay Dilka in ka badan 15 Qof Oo Gaalkacyo.

Howlgal weyn oo lagu baadigoobaayo Kooxdii habeen hore dadka Shacabka ah ku leysay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo Ee Xarunta obolka Mudug ayaa 24kii Saac ee lasoo dhaafay ka socday Magaalada Gaalkacyo iyo sidoo kale degaano hoostaga Maamulka Galmudug.


Saraakiil ka tirsan Ciidanka Galmudug Oo la hadlay Warbaahinta Madaxa Banaan ayaa waxaa ay sheegen in gacanta lagu soo dhigay qaar ka mid ah Kooxdii dadka Shacabka ah ku leysay Magaalada Gaalkacyo, kuwaasoo dhawaan Maxkamad la horkeeni doono sida ay hadalka udhigeen.


Howlgallada ayaa waxaa hoggaaminaya taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska Maamulka Galmudug, waxaana ka gacansiinaya Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Gaalkacyo.


Ciidanka ayaa si ka duwan sidii hore ugu kuurgalayay baaritaanada waxaana xusid mudan in Saacadihii ugu dambeeyay ay bilaabeen kala saarida dadkii lagu soo qabtay howlgallada oo la sheegay in ay yihiin dad badan oo laga soo qabtay Xaafaddaha ay ka kooban tahay degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka mudug oo ah halka uu falka dilka ka dhacay.

dhacdooyinka dilalka ee dhawaan ka dhacay magaalada gaalkacyo ayaa waxaa si gaar ah loogu beegsaday marxuumiin ka soo kala jeeda maamul goboledyada kala ah HirShabelle iyo koonfur Galbeed kuwaasi oo la sheegay in Mar qura rasaas lala dhacay kuna geeriyooday beegsiga logu geystay gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *