Tuesday, June 18th, 2019
header

Rag Loo Heysto Falal Kufsi & Dil ah Oo Garoowe La Geeyay.

Maamulka Puntland ayaa magaalada Garowe Ee Xarunta Nugaal gaarsiiyay shan Nin oo loo heysto kiiskii kufsiga iyo dilka ahaa ee loo geystay  Caa’isha Ilyaas Aadan oo lagu kufsaday gobolka nugaal.

 Sarkaal katirsan laamaha amniga Ee Dowlad Goboleedka  Puntland ayaa sheegay  in raggaani ay ku jiraan kuwo iskudayay in ay baxsadaan oo ugu dambayn lagu guulaystay in gacanta lagusoo dhigo.

 “Ma jirto cid hadda ka maqan gacanta Maamulka oo ku lug laheyd kiiska  marxuum Caa’isha” ayuu yiri Sarkaal katirsan maamulka Puntland oo si kooban la hadlay warbaahinta.

Ragga loo hayo kiiska Caa’isha oo la sheegay in ay gaarayaan Todoba rag ah ayaa waxay isugu jiraan kuwo kiisku ku cad yahay iyo qaar kaloo loo haysto inay ku lug leeyihiin, kuwaasi oo wali ay baaritaano ku socdaan.

 Eedeysanayaasha ayaa maxkamadda lasoo taagidoonaa Todobaadkaan soo socda, sida ay maxkamaddu sheegtay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *