Tuesday, June 18th, 2019
header

Mashaariic Horumarin Oo laga Fuliyay Deegaano hoostaga Magaalada jowhar.(Sawiro)

Ka dib Booqasho uu ku yimid Xarunta Idaacada Asal Wasiirka Wasaarada Biiada iyo Horumarinta Reer miiga ee Dowlad Goboledka Hirshabelle Mudane Cabdi Karin Nuur Xasan oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Mudane Maxamed Amiin Cusman ayaa waxa ay ka warbixiyeen Waxqabadka Wasaarada.

Ugu horeyn Agaasimaha Wasaarada Biiada iyo Horumarinta Hirshabelle Mudane Maxamed Amiin Xaaji Cusmaan ayaa waxa uu sheegay in Saddex Mashruuc oo Quseeya Horumarinta Adeegyada Bulshada Reer miiga in ay ku Guuleysteen in ay ka sameeyaan Nawaxiga Magaalada Jowhar.

Meelaha ay Shaqada ka Qabteen Waxaa ka mid ah Kanaalka Kafuuji oo ay ku Waraabaan in ka badan 200 oo Hekter oo dhulbeered ah laguna Beero Dalagyo kala duwan side Kale Kanaalka Bukuraale waxa uu ka mid yahay Marin Biyoodyada ay Wasaarada Dib U Dayac tirka ay ku sameeysay kana Mahad celiyeen Beeraleyda Beerahooda yak u Waraaban Kanaalkani.

Agaasimaha oo Hadalkiisa Sii Wata ayaa Asal Radio Usheegay in Mashaariicda Horumarinta ee ay wasaarada ku Talaabsatay in ay ka mid tahay Warbiyoodka Garaash Buula Garaan, taasi oo ah Keyd weyn oo loogu Tala galay in Beeraleyda iyo Xoola dhaqatada in ay Biyo ka helaan loguna Keydiyo si Looga Badbaadiyo Saameynta Xiliga Jiilaalka la soo Darisa Bulshada Reer Miiga ah ee Hirshabelle.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaarada Biiada iyo Horumarinta Reer Miiga Ee Dowlad Goboledka Hirshabelle Mudane Cabdi Karin Nuur Xasan ayaa Waxa uu Shay in ay Wadaan Qorshe Howleed lagu Hagaajinayo Karkaarada Webiga shabelle kana Sameynayaan Deegaanada webiga Shabella Uu Ka Maro Degmoyinka Jowhar, Balcad, Mahadaay Jalalaqsi, Buula Burde iyo Baladweyn oo ka wada tirsan Gobolada Shabellaha Dhexe iyo hiiraan oo loogu Yeero Hirshabelle.

Mashruucani dib U habeynta Webiga Shabelle ee Deegaanada Hirshabelle lagu sameynayo aya waxaa iska Kaashana Wasaarada Biiada & Horumarinta Reer Miiga ee Hirsahbelle Hay,adda   FAO Hay,adda Masiiboyinka Qaranka.

Waxa uu Soo Hadal Qaaday kulan Wasaarada ay soo Qaban Qaabisay kuna Saabsanaa Wacyi Gelin dhanka Nadaafada ah oo ay ka Qeyb Galeen Qeybaha Kala Duwan ee Bulshada iyo Wakiilo ka socday Hay,adda Masiiboyinka Qaranka Laguna Qabtay Magaalada Jowhar ee Xarunta Dowlad Goboledka Hirshabelle.

Dhismo ka kooban Saddex Barkado oo loogu Talagalay In Xoolaha Sida Geela, lo,da iyo Ariga in Biyaha Ay ka Cabaan iyo Laba Xarun oo Dadka Biyaha Ka Qaadan karaan ayaa Dhismaha Barkada Sare ee Keyd Biyoodka ayaa waxay Wasaarada ka Dhistay Nawaaxiga War biyoodka Tuulada garaash Buula-garaam taasi oo loogu Tala galay Dadka iyo Duunyada ku Nool Garaash buula Garaan iyo Bulshada Xoolo Dhaqatada ah.

 

DAAWO SAWIRADA.

 

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *