Friday, July 19th, 2019
header

Madaxweyne Mursi Oo Ku Geeriyooday Dalkiisa Masar.

Waxaa maanta ku geeriyooday Dalka masar Madaxweynahiii hore ee dalkaasi masar maxamed mursi ka dib markii sida lasheegay uu ku xanuunsaday gudaha xabsi ay gacanta ku heyso dowlada dalkaasi masar.

Geeridiisa ayaa lashaaciyay maanta oo isniin in ay timid ka dib marki la soo gaba gabeeyay dhageysiga dacwadaha loo heystay.

Geerida Mursi ayaa waxaa laga baahiyay talafishanka rasmiga ah ee dalka masar.

Maxamed mursi ayaa xakunka dalka masar la wareegay sanadki 2012kii xiligaasi o uu matalayay xisbiga Aqwaanul musliminta dalkaasi masar.

Xakunka mursi ayaa dalka masar laga saaray July 3, 2013. Xiligaasi o ay dibad baxyo hareeyeen magaalooyinka dalkaasi masar tan iyo xiligaasina waxa uu ku jiray gacanta dowlada masar kaasi oo marar kala duwan ka soo muuqday maxkamada dalkaasi masar.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *