Friday, July 19th, 2019
header

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Danjire James Swan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mudane James Swan ayaa ugu hambalyeeyay xilkan dhawaan loo soo magacaabay.

James  Swan oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres ayaa tilmaamay in uu dadaal muuqda ku bixin doono taageridda arrimaha hortabinta u leh dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, si ay u xaqiijiyaan himiladooda ku aaddan helitaanka Soomaaliya xasilloon oo horumarsan.

Wakiilka Gaarka ah ee Jimciyada Quruumaha ka dhexeysa ayaa uga mahadceliyey Dowladda Federaalka Soomaaliya soo dhaweynta wanaagsan iyo sida ay diyaarka ugu tahay inay ku garab siiso gudashada waajidbaadkiisa inta uu ku sugan yahay dalka Soomaaliya.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ayaa la wadaagay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya dadaallada joogtada ah ee Dowladdu ku bixinayso sugidda amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo xoojinta dib u heshiisiinta dalka, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in lagu gacan siiyo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed sidii ay uga gudbi lahaayeen caqabadaha ku hor gedaaman.

Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad iyo Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade).

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *