Friday, July 19th, 2019
header

M/ Ku Xigeenka HirShabelle Oo la Kulmay Madaxda AMISOM.

Madaxweyne Ku Xigeenka Dowlad G0boledka HirShabeelle Mudane Cali Gudlaawe Huseen ayaa Xarunta Madaxtooyada Maamulka HirSahbelle Kulan kula qaatay Saraakiisha Sar Sare Oo ka tirsan Ciidamada Burundi ee Qeybta ka ah Taliska AMISOM Sector-kooda 5aad ee ka howgala Gobolada HirShabeelle.

Kulanka ayaa ayaa looga hadlay Sidii Howlgal Qorsheysan oo Mid ah loogu qaadi lahaa Deegaanada ka tirsan HirShabeelle ee ay ku sugan yihiin Dagaal yahanada Al-shabab.

Ciidamada Nabad ilaalinta AMISOM ayaa xarumo ku leh deegaano badan oo ka mid ah dowlad goboleedka Hirshabelle iyagoo gacan ka geysta sidii loo sugi lahaa ammaanka goobaha ay degan yihiin madaxda Maamulka HirShabelle.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *