Thursday, July 18th, 2019
header

Kulamo Xal Loogu Raadinayo Galmudug Oo Cadaado ka Soc.

Xalay waxaa Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud Ee bartamaha Soomaaliya ku hoyday wufuud kala duwan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo shalay Gelinkii dambe gaaray halkaas.

Madaxdaas kala duwan ayaa xalay waxa ay kulan ku yeesheen Magalada Cadaado, iyaga oo ka arrinsanayay sidii xal waara looga gaari lahaa arrinta ka taagan Galmudug,isla markaana loo qaban lahaa doorasho ay u dhan yihiin dhamaan dadka ku nool deegaanada Galmudug ee iskuhaya siyaasada iyo qeybsigeeda.

Xildhibaanada ka tirsan labada Aqal,Xubnaha Golaha Wasiirada ee ka mid ahaa wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya  iyo kuwa horay ugu sugnaa Cadaado ayaa waxaa ay leeyihiin kulamo gooni gooni ah oo looga hadlayo xaalada Galmudug iyo sidii meel wanaagsan loo geyn lahaa.

Kulamo kale ayaa la filayaa in Maanta oo Khamiis ah ay sidoo kale ka qabsoomaan Magaalad Cadaado, iyada oo Bulshada qeybaheeda kala duwan ay soo dhaweeyeen howlaha ka socda Magaaladaas e ay dowlada federalka soomaaliya garwadeenka ka tahay.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa la filaaya inta uu ku sugan yahay Magaalada Cadaado in uu la kulmo Odayaasha iyo waxgaradka Magaaladaas si uu kala hadlo xaalada Galmudug gaar ahaan dadka reer Cadaado oo doorweyn ku leh arrimaha dhismaha maamulka  Galmudug.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *