Tuesday, August 20th, 2019
header

Fatahaada Webiga Shababelle Oo Saameyn Xun ku yeeshay Dalagyo kala duwan…

Sida Wararka ay ku heleyso Idaacada Asal in ku siman 25 Hektar oo Dhul beered ah kuna Beerneed Dalagyo kala duwan una badan Galeey ayaa Xiligani Waxaa Dul sabeynaya Biyo ka soo Rogmaday Webiga Shabelle Qeybta uu ka maro Tuulada Timire oo ka mid ah Tuuloyinka Hoos yimaada Magaalada Jowhar Ee Xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Qaar ka mid ah Bulshada Beera Falatada ah oo la Hadlay Idaacada Asal waxay Sheegen in aanay Heysan Qarash ay wax kaga Qabtaan Xaalada Fatahaada isla mar ahaantaasina ay Doonayaan in ay helaan Kaalmoyin lagaga Caawinayo sidii loo Hakin lahaa Fatahaada oo jartay Wadooyin Muhiim ah.

Saameynta Taagan Waxaa ka Daran Saadaasha aan wanaagsaneen ee ay Bixinayaan Waxgaradka Degan 12 Tuulo oo Deris la ah Tuulada Fatahaada ay ka Soo Adkumantay ee Timire.

Biyaha Fatahaada wabiga shabelle ayaa hada ku wajahan Dhulalka dhaca Bariga Magaalada Jowhar kuwaasi oo ay dhici karto in ay Dib usoo Laabtan sida dhacday Sanado ka hor oo ay Go,doon gasho magaalada Caasimada u Ah Dowlad Goboledka Hirshabelle.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *