Saturday, September 21st, 2019
header

Faahfaahin ku Saabsan Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Wararka laga helay nawaaxiga wadada Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdishi ayaa ku waramaya in uu Barqanimadii maanta in uu ka dhacay qarax gaari.

Qaraxaasi ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay Isgoyska Shaqaalaha,waxaana ka soo baxaya warar kala duwan oo ku sabsan cida lala damacsanaa.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in qaraxa uu ku dhaawacmay qof shacabka oo gaariga saarnaa.

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaan weli ka hadlin qaraxa gaari ee maanta ka dhacay Isgoyska Shaqaalaha ee Magaalada Muqdisho.

Magaalada Caasimada Muqdisho ayaa waxaa uu ku soo badanaya qaraxyada ka dhaca Magaalada, taasi oo lala beegsado dadka shacabka ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *