Monday, June 17th, 2019
header

Eng Diini Barre Oo Lagu Dilay Degmada Afgooye Ee Sh/ hoose.

Wararka laga helayo degmada afgooye ee gobolka shabellaha Hoose ayaa ku waramaya in  Injineer Diini Barre oo caan ka ahaa gudaha  degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelaha Hoose lagu dilay gudaha degmadaasi, waxaana dilkiisa fuliyey dhalinyaro bastoolado ku hubeysan.

Dilka Marxuumka Diini Barre ayaa ka dhacay Xaafadda 21-ka Octoobar, waxa uuna ku sugnaa maqaayad markii uu dilkiisa dhacay sida ay noo xaqiijiyeen dadka degaanka.

Marxuumka la dilay ayaa ahaa Injineer dhisa Guryaha, waxa uu sidoo kale Afgooye ka ahaa oday dhaqameed ka qayb gala xalinta dagaalada iyo isku dhacyada deegaanka sida ay sheegeen dadka degaanka.

Dilkiisa ayaa naxdin ku noqday Shacabka degan degmada Afgooye, waxaana lagu eedeeyay Al-shabaab in ay ka dambeeyeen dilka.

 Shacabka Afgooye ayaa sheegay in amni darro xoog leh ay ka jirto degmada Afgooye oo muddooyinkii ugu dambeeyay ay dilal ka dhacayeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *