Tuesday, June 18th, 2019
header

Duqa Muqdisho oo Maanta dhagax dhigay waddo casri ah.

Gudomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng Yariisoow) ayaa maanta dhagax dhigay waddo casri ah oo loo dhisayo Bulshada Dagmada Xamar-jabjab e magaalada muqdisho.

Wadada lagu sameynayo dayactirka ayaa  ku taalla waaxda Gaheyr ee Degmada xamar-jajab ee magaalada muqdisho.

Munaasabadda dhagax dhigga wadada waxaa hadallo ka jeediyay gudomiye ku xigeenka amniga ee Maamulka Gobalka iyo xoghayaha guud ee maamulka Gobalka Banaadir, iyagoo xusay in muhiimad gaar ah ay u leedahay dhismaha wadadaan bulshada ku nool Dagmada Xamar-jabjab.

Duqa Muqdisho (Eng Yariisoow) ayaa sheegay in tallabadani ay qeyb katahay qorshaha horumarinta maamulka Gobalka Banaadir uu ugu talagalay 17-ka Degmo, islamarkaana Xamar-jabjab ay maanta nasiib u yeelatay in lagu bilaabo barnaamijkaan dhismaha waddooyinka casriga ah.

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa ku boorriyay dadweynaha daggan hareeraha wadada la dhisayo in ay ilaashadaan kana shaqeeyaan nadaafadeeda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *