Friday, July 19th, 2019
header

Dhageyso:- Maamulka Tuulada Bacaadley Oo Sheegay in Webiga shabelle Uu 7 Tuulo ku Fatahay…

 Yoonis Cabaas waa Gudoomiyaha Tuulada Bacaadley oo ka mid ah Tuuloyinka Hoos yimaada Magaalada jowhar ee Xarunta Gobolka Shabellaha dhexe.

Tuulada bacaadley waxay jowhar ujirtaa 25 km oo dhanka koonfur bari uga began tuuladani waxaay ka mid tahay tuuloyinka uu saameynta xun ku yeeshay webiga shabelle ka dib fatahaad uu ku dhuftay todabaadkani.

Dhulbeered Qiyaas ahaan ku aadan 25 hekter oo ay ku beerned dalagyo kala duwan sida galeey, digir, bocor, iyo guud ahaan qudrada cagaaran ayaa waxaa guud ahaan cagta mariyay  fatahaadaha webiga shabelle sida gudoomiyaha tuulada  bacaadley yoonis cabaas uu uxaqiijiyay idaacada Asal.

Sidoo kale tuuladani ayaa hada waxaa si kor shub ah ugu soconaya biyaha buux-dhaafka ah ee webiga shabelle kaasi oo meelaha qaar ay dhici karto in uu karkaarada jabsado meela badan oo ka titsan jiinka webiga shabelle.

Dhinaca kale gudoomiyaha tuulada bacaadley ayaa Radio Asal usheegay in ay jiraan in ka badan 7 tuulo oo kale in uu fatahaad ku dhuftay webiga shabelle kuwaasi oo kala ah.

Maandheere, Raqayle,Deymo-same,Boodaale,Maageey,Halgan iyo tuulada towfiiq.

Tuuloyinkaasi ayaa waxaa xiligani ku soconaya biyaha ka soo rogmaday webiga shabelle saameyn xuna ku yeeshay dalagyadii sanadlaha ahaa ee ay beerteen beeraleyda degan deegaanada fatahaada ay ku habsatay.

Ugu danbeyntii maamulka gobolka shabellaha dhexe ayaa gurmad yar oo jawaano faaruq ah aan ku filneen xakameynta kor shubka biyaha webiga waxuu gaarsiiyay maamulka tuuloyinka qaar kuwaasi oo hada ku cabanaya in lala soo gaaro gurmadyo dheeraad ah si ay isaga xakameyaan fatahaada ku socota, taasi oo raadad xun ku reebi karton dadka ku dhaqan tuuloyinka kala hoos taga degmoyinka Balcad iyo jowhar ee ka wada tirsan gobolka shabella dhexe.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO WAREYSIGA GUD YOONIS CABAAS WARIYE CALI TALIYE AYAA LA YEESHAY WAREYSIGA.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *