Tuesday, June 18th, 2019
header

Dhageyso:- Fursado ay Heleen Beeraleydda HirShabelle.

Ka dib Shirjaraaid oo uu Maanta Magaalada Jowhar ku Qabtay Wasiirka Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Ee Dowlad Goboledka HirShabelle mudane Xasan Axmed Muudeey ayaa waxa uu kaga Hadlay Xiriirka Wanaagsan e kala Dhexeya Wasaaradiisa Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Ee Dowlada Federalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in Madaxda Qaranka Soomaaliyeed ay Dadaalo dheeri ah ku Bixiyeen Horumarinta Beeraleyda Dalka iyo sidii ay ku Gaari lahaayen Hankooda ku wajahan Tacabka Beeraha,

waxuu Shirka Jaraaid ku Xusay Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirka Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Ee Dowlada Dhexe Wasiir Siciid Kuwaasi oo Muujiyay Kaalinta Heer Qaran Ee Baahida Beeraleyda Soomaaliyeed.

Tababaro loo sameynayo Beeraleyda ayuu sheegay wasiirka in ay jiraan kuwaasi oo ay ka faaideysan doonaan Beeraleyda Gobolka Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe ee maamulka HirShabelle,

Sidoo kale Waxa u shirka jaraaid ku muujiyay in Fursado la mid ah kuwa ay helayaan Beeraleyda Maamulka HirShabelle in ay helayaan Beera falatada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya kuwaasi oo qeyb ka ah Dadaalada Hor dhaca ee ay heleen Beerafalata Labada Maamul.

Wasiirka Xasan Axmed Muudeey ayaa Bogaadiyay Kaalinta Dhiira Gelinta Hay’adda WFP ay umuujisay Guud ahaan Beeraleyda Soomaaliyeed gaar ahaan Dhiira gelintii Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Ee HirShabelle ay umuujisay, xili 16 kii Bishani La Qantay Kulan lagu soo Bandhigayay Dalagyada kala Duwan ee Beeraleyda soomaaliyeed.

Ugu Dambeyntii Wasiirka ayaa ka Hadlay Arrimo Quseeya Iskaashatada kala Duwan ee ka Dhisan Deegaanada Maamulka HirShabelle isaga oo muujiyay in Waxii talo iyo Caqli Celin ah ay Diyaar kula tahay Wasaarada Beeraha iyo Waraabka HirShabelle guud ahaan Beera falatada iyo Ururada Iskaashadata Deegaanada HirShabelle, kaasi oo Bixiyay Tusaalooyin kala Duwan oo ay ubaari karaan Iskaashatada Danahooda kaga Xiran Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Ee Dowlad Goboledka HirShabelle.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *