Friday, July 19th, 2019
header

DFS Oo Ka Hadashay Xayiraada Laga Qaaday X/ Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay dadaalka ay ku bixisay in la qaado xayiraadii saarneyda dhoofka xoolaha Soomaaliya ee loo iibgeeyo dalka Sucuudiga,Xayiraadaas oo mudo Sacuudiga uu saaray.

Wasiirka Xanaanada xoolaha ee Soomaaliya Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa sheegay in ay ku guuleysteen in markii ugu horeysay Istiraatijiyad lagu shaqeeyo  mudo 10 sano ah oo soo socota taas oo ku aadan horumarinta iyo dhoofinta Xoolaha Soomaaliya.

Sidoo kale Wasiir Xuseen ayaa sharaxad guud waxa uu ka bixiyay dadaalka ay Xukuumadda Soomaaliya ku bixisay xayiraada looga qaadi lahaa xoolaha loo dhoofiyo Soomaaliya.

Dalalka ugu badan ee Soomaaliya Xoolaha nool ay u dhoofiso ayaa waxaa ka mid ah dalka Masar,Cummaan oo iyaga xiriir ganacsi o wanaagsan kala dhexeyo soomaaliya sidoo kale  dhoofinta kala dhaxeeyo Soomaaliya,Yemen soomaaliya iyo Sacuudiga oo ah dalka ugu badan ee Xoolaha looga dhoofiyo Soomaaliya sanadaha soo socda la kordhin doono. �[

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *