Saturday, September 21st, 2019
header

DFS Oo ka Hadashay Weerarkii Lagu Qaaday Xarunta Universal.

Dowladda Soomaaliya ayaa si weyn U Cambaareysay Weerar maanta Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya gaar ahaan Waaxda Canshuuraha ay ku qaadeen Xarunta Tv-ga Universal Ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamadan ayaa bilaabay rasaas ay ku fureen illaada Tv-ga oo banaanka hore ee Xarunta Tv-ga illaalo ka haayay, waxaana taasi ay dhalisay in Ciidanka illaalada dhankooda ay ka jawaabaan rasaastaasi.

Maamulka xarunta Tv-ga iyo Ciidamada Canshuuraha ayaa la sheegay in uu ka dhaxeeyay arimo la xariira Muran Canshuuro oo muda taagnaa.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Somaliya Cabdi Nuur Maxamed Axmed ayaa qoraal uu soo dhigay Boggiisa xiriirka Bulshada, wuxuu si adag ugu cambaareeyay falka lagu weeraray Xaruna Tv-ga Universal.

“Waxaan aad u cambaareynayaa falkii saaka lagu weeraray Xarunta Telefishinka Universal oo ahaa mid fool xun oo lid ku ah xorriyadda hadalka.” Ayuu ku muujiyay Qoraalkiisa.

Agaasimaha  Warfaafinta Madaxtooyadda Somaliya ayaa sidoo kale sheegay in kiiska arrintaan hadda ay gacanta ku hayaan Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliya, uuna rajeynayo in cadaaladda la horkeeno dadkii ka dambeeyay weerarkaasi.

“Waxaa haatan kiiska gacanta ku haya Taliska Booliiska, annaga oo rajeynayna in caddaalada la horkeeno ciidankii ka tirsanaa ilaalada canshuurta ee saaka dhibaatada U geystay Universal Tv.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *