Friday, July 19th, 2019
header

Dacwadii Wasiir Janan Oo ay Burisay Max/ G/Banaadir.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa burisay amar soo qabasho iyo horkeenid Maxkamadeed oo ay ka taallay Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Xasan Cabdinuur oo sanadkii 2015 Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka uu dacwad ku soo oogay.

Qoraal ka soo baxay Maxkamadda oo ku taariikhsan 30-ka bishii 4aad ee sanadkan ayaa lagu sheegay in Maxkamadda ay burisay amar soo qabasho ah iyo horkeenid Maxkamadeed oo horay u soo baxday, waxaana lagu faray Hoggaanka Baarista Dambiyada CID in ay xiraan gal dacwadeedka.

Wasiirka Amniga Jubaland ayaa shalay safar aan la sii sheegin waxa uu kuyimid Muqdisho, go’aanka lagu buriyey Kiiska kadhanka ah wasiirka Amniga ee Jubbaland C/rashiid Xasan Cabdinuur laguma sheegin sababta loo laalay galdacwadeedkaas loona buriyey amarka soo qabashada iyo maxkamad horkeenidda C/rashiid Xasan Cabdinuur marka laga reebo Danta guud ee caddaaladda.

Qodobka uu ku eedeysan yahay C/rashiid Xasan Cabdinuur waa qodobka 434 kaas oo u dhigan sidan ” Qofkii geysta geeri waxaa lagu ciqaabayaa dil (Qod.163 Dast., 94 XC).” C/rashiid Xasan Cabdinuur waxa lagu eedeeyey in uu ku kacay dilal aan garsoorka iyo maxkamadaha marin oo ciidan ka amarqaata ay ku fuliyeen meel ka baxsan garsoorka iyo caddaaladda ilaa 9 qof oo midi haweeney ayad oo laga baxayy xabsi kuwaas oo la laayey, dhacdadaasi waxa ay ka dhacday dgmada Doolow.

Halkan ka arag Xaashida Burinta Amarka soo qabashada iyo maxkamadeynta C/rashiid Xasan Cabdinuur

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *