Tuesday, June 18th, 2019
header

Cudurka Ebola Oo Dad Badan Ugu Geeriyodeen Congo.

Inta la ogyahay tirada dadka u dhintay cudurka Ebola ee ka dillaacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo waxay gaarayaan 200 qof. Sida ay sheegayaan saraakiisha caafimaadka wadankaasi.

Mas’uuliyiinta Wasaarada caafimaadka ee Congo waxay sheegeen in kala bar dadka uu soo riday cudurka Ebola ay kasoo jeedaan magaalada Beni oo ay ku nool yihiin 800,000 qof ee gobolka waqooyiga ku yaalla ee Kivu.

Oly Ilunga Oo ah Wasiirka caafimaadka dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo,  wuxuu sheegay in dabley hubaysan ay dhibaato ku hayaan kooxaha caafimaadka ee la tacaalayo bukaanada Ebola ee halkaasi.

Barnaamij caafimaad ah oo halkaasi ka bilaabmay todabaadkani waxaa tallaal lagu gaarsiiyay ku dhawaad 25,000 Oo qof.

Bishii September,barnaamijka tallaalka cudurka Ebola ayaa hakad galay kaddib markii koox fallaago ah ay weerar ku qaadeen shaqaalaha Gurmadka caafimaadka oo tallaal gaarsiinayay dadka deegaanka.

Dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo waxaa hareeyay dagaallo sanooyin badan qaatay iyo qalalaase siyaasadeed oo ragaadiyay bulshada wadankaasi.

Cudurka Ebola ee hada ka taagan Congo, wuxuu bariga dalkaasi ku faafay bishii July, waana markii tobonaad uu ku dhuftay halkaasi tan iyo sannadkii 1976-kii.

Wasaaradda caafimaadka wadanka Congo waxay sheegtay inta la xaqiijiyay 291 qof uu soo riday cudurka halka 201 qof ay u geeriyoodeen.

Howlgalka nabad ilaalinta ee jimciyada Quruumaha ka dhexeysa waxay ugu baaqeen kooxaha hubaysan inay joojiyaan cagajuglaynta ay ku hayaan shaqaalaha caafimaadka ee gurmadka u fidinayo bukaanada Ebola.

Wasiirka caafimaadka DRC Congo Oly Ilunga wuxuu sheegay in Jimcihii kooxda caafimaadka la weeraray lagana burburiyay qalabkii ay wateen halka qaarkoodna la afduubtay.

“labo kamid ah dhaqaatirta gurmadka deg deg ah ayaa naftooda ku waayay weerarka welina xaalada wey taagan tahay” ayuu yiri wasiirka.

Todobaaadkii lasoo dhaafay, Madaxa ha’yadda caafimaadka adduunka Tedros Adhanom Ghebreyesus wuxuu Tibaaxay in ammni darrada ka taagan qaybo kamid ah dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ay noqotay caqabada ugu wayn ee hortaagan xakameynta cudurka Ebola.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *