Wednesday, August 21st, 2019
header

Caruur Ugu Geeryootay Caabuq ka Dilaacay Mareykanka.

Wararka laga helayo magaalada New Jersey ayaa ku waramaya in Fayras ka dillaacay xarun caafimaad oo ku taalla magaaladaasi Uu dilay lix carruur ah isla markaasna saameeyay in kabadan toban ilmood oo kale.

Masuuliyiinta dawladda ayaa Talaadadii shalay xaqiijiyay 18 kiis, waxaana ka mid ah carruur xannuunsan oo ku jiray xarunta caafimaadka ee Center for Nursing and Rehabilitation e magaalada New Jersey.

Fayraskan carruurta ku dhacay ayaa keena xanuun, carruurta in laga daweeyana ma sahlana, sida ay masuuliyiintu ku waramayaan.

Xukuumada ayaa baaritaan dheeraad ah wadda, xarunti caafimaadka fayrasku ka dilaacay ayaana hadda laga hor istaagay in bukaan cusub la geeyo.

Fayraskan carruurtan ku dhacay “wuxuu si wayn u waxyeeleeyaa hannaanka difaacooda.” sida ay waaxda caafimaadka u sheegtay warbaahinta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *