Saturday, September 21st, 2019
header

Cabdirashiid Maxamed Xirsi Oo ku Geeriyooday Garoowe.

Magaalada Garowe ee Caasimadda maamulka Puntland ahna Xarunta Gobolka Nugaalwaxaa Saakay ku geeriyooday Cabdirashiid Maxamed Xirsi oo si weyn looga yaqaanay degaanada maamulka Puntland.

Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa 20-kii sano ee ugu dambeeyay ka shaqeynaayay deegaanada Dowlad Goboledka Puntland, waxaana uu ahaa nin si weyn loogu yaqaano Qadiyadda maamulka Puntland iyo dhismihiisa.

Cabdirashiid Maxamed Xirsi  ayaa mar soo noqday Guddoomiyihii hore Ee Barlamaanka Puntland, sidoo kale Wasiirkii hore Ee Howlaha Guud Ee Puntland  iyo Wasiirkii Hore ee Kalluumeysiga maamulka Puntland ayuu hore usoo qabtay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *