Tuesday, June 18th, 2019
header

Booliska Oo Qabtay Nin Dil Ugu Hanjabay Ilhaan Cumar.

vCiidamada Booliiska wadanka  Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in ay gacanta ku dhigeen nin ka mid ah Koox Ilhaan Cumar ugu hanjabtay in ay dili doonaan, kaasoo  ah Cunsuri ay ku weyn tahay Naceybka dadka soo galootiga ah.

Ninkaan ayaa lagu helay Eedeymo kala duwan oo ah in uu maleegayay Qorshe wareeraro lagu qaado dadka Islaamka ah ee degan gudaha mareekanka.

Booliska waxa ay sheegeen in la qabtay ninkaan ka dib markii uu  cod farriin ah uu u diray xubno ka tirsan xisbigga Dimoqraadiga ee dalka mareekanka , islamarkaana uu ku sheegayay in uu dili doono Xildhibaanad Ilhaan Cumar.

John Kless Oo ah 49-sano jir ayaa lagu eedeeyay in cod farriin ah oo hanjabaan ah uu u diray Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib oo ah haweenka Muslimka ah ee ku jira xisbigga Dimoqraadiga.

Booliska dalka Mareykanka waxa ay sheegeen in sharciga la marsiin doono, islamarkaana Saacaddaha soo socda uu kasoo muuqan doono Maxkamad.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *