Tuesday, June 18th, 2019
header

Biya La’aan saameysay Qoysas ku dhaqan Deg/ Buur-hakaba.

Wararka laga helayo Deegaano ka tirsan Degmada Buur-hakaba Ee Gobolka Baay ayaa ku waramaya in xaalad Biya la,aan ah ay ka taagan.

Qoysaska qaar kod ayaa iyaga o ka duulaya Biya la,aanta ayaa waxay gaareen gudaha degmada Buur-hakaba si ay ubadbaadiyaan noloshooda.

Maamulka Degmada ayaa waxay ka Codsadeen in ay la gaaraan kaalmo biya dhaamin ah dadka qaar ee ku harsan deegaanada ay sida adag usaameysay xaalada biya la,aanta daran ee jilaalka sanadkani 2019ka.

dhinaca kale xildhibaanada baarlamaanka maamulka koonfur galbeed ayaa waxay ka dalbadeen in ay ka caawiyaan sidii ay ku helilahaayeen gurmad biya ah.

Degmada Bur-hakaba oo aan laheen ceel biyoodyo ku filan nolosha dadka ayaa waxaa gaaray boqolaal qoysas ah una baahan gurmad biya ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *