Tuesday, June 18th, 2019
header

Beeraley Badan Oo Degan Jiinka Webiga Shabelle Oo Bilaabay Dhaqashada Xoolaha..

Iyada oo sida la wada ogyahay Xoolaha iyo Beeraha ee gudaha dalka soomaaliya in aanay kala Maarmin ayaa waxaa hada Qaar ka mikd ah Beeraleyda Shabellaha dhexe waxay Guda Galeen Dhaqashada Xoolaha Gaar ahaan Ariga iyo Lo,da.

Waxaa Idaacadani Asal Fm Usuurta Gashay in ay la Hadasho Qaar ka mid ah Beeraleyda xoola dhaqatada ah iyo waxa xiligaan ku qasbay in ay Xoolo dhaqasho galaan.

waxaay inoo sheegan in ay doonayaan in wax soosaarka uu kobco iyaga oo tusaaleyay in goorta ay beerta dalagyada xiliga soo aruurinta ay jecleysteen daaqa beerahooda in ay ugu faaideystaan Dhaqashada Xoolaha maadaama ay Deegaan ahaan Degan yihiin Halka ugu Badan ee Daaqa laga Helo taasi oo ay ku Micneyeen in ay fududeyso in ay Xoolaha Qaar ka mid ah in ay Dhaqdaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *