Tuesday, June 18th, 2019
header

Akhri:- Sababaha Xaalada Dib udhaca Ee ka jira Soomaaliya..

Dalagyada ay  Beertaan Beeraleyda Dalka soomaaliya Waa Qeyraad Dabiici ah allah uu ku maneystay Balse waxaa jira Qibrad yari heysata Beera falatada Dalka Soomaaliya Gaar ahaan Kuwooda Gobolka Shabellaha Dhexe.

Waxay Weli ku Taagan yihiin Wadadii Tacabka ee Muda hada laga Joogo Nus Qarni oo aanay jirin Isbedela Habka Tacabka iyo Nooca Dalagyada.

Ugu Horeyn Beeraleyda Shabellaha Dhexe Waxaa ku yar Aqoon Isweydaarsiyada ku Saabsan Beeraha iyo Nidaamka Casriga ah ee Dalalka Horumaray Qaabka ay Wax Ubeertaan.

Saboolnimada ka jirta Dalka Waxaa 40% kiiba Ugu Wacan Beeraleyda oo aan Helin Daryeel Wax Soo Saar oo ay ku Hor marin lahaayeen Dalaga Dalka.

Dalka Soomaaliya Muda haatan laga Joogo 27 sano ka hor waxuu lahaan jiray Mashruucyo Quseeya Horumarinta Beeraha iyo Beeraleyda Dalka.

Beeraha oo ka mid ah Kaabayaasha Dhaqaale ee Dalka Soomaaliya ayaa hada waxay u Muuqdaan in Hoos udhac dhanka Wax soo saarka dalka ay Qeyb ka galeen maadaama Suuqyada Dalka ay Camiran yihiin Cunada laga Keeno dalka Dibadiisa waana Qeyb ka mid ah Raadadka Xun ee ay Reebeyso Daryeel la,aanta heysata Beera falatada Dalka.

Baahida Beeraleyda Shabellaha dhexe waxaa ka mid ah Helida Aqoon kororsi ku saabsan Cilmiga Beeraha, Qalabka Beeraha lagaga Shaqeeyo Dalag Abuur tayo leh una sahli kara mudo Gaaban gudaheed in ay Hodan ku noqon karaan si loo Badbaadiy Dhalinyarada jiilka cusub oo dalka soomaaliya isaga Tahriibay xaalada Macluul ee ka jirta awgeed kuwaasi oo hadii loo tababari lahaa Habka loo Beero Dalagyada ay dhici kartay in Dalka ay ku Nagaadaan.

Sida la wada Ogyahay Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya Sanadkii Hore waxaa ka jirtay Abaar saameysay Nolosha Qoysas Badan oo soomaaliyeed kuwaasi oo aan nasiib uyeelan in ay helaan Taageerada ay ubaahnayeen ka hor Abaarta Dalka ku dhufatay.

Soomaaliya ayaa Abaarta waxay ka Bilaabatay ka dib markii Beeraleyda ay iska dhaafeen Beerida Dalagyada kala duwan ee Aadanaha Umuhiimka ah.

Si loo helo Tacab beered Dheeli tiran waxaa guud ahaan Wakiilada Soomaalida Madaxda Deegaanada degmooyinka Gobolka iyo Guud ahaan Dalka Soomaaliya waxaa waajib ku ah in ay joojiyaan Gurmadyada Cuntada ee dibada lagaga keeno Bulshada Soomaaliyeed taa badalkedana looga baahan yahay in Hayadaha Samafalka ay Bixiyaan Tababaro ku saabsan Beeraha Qalab lagu soo saaro Dalaga Noociisa kala duwan iyo Abuur wanaagsan oo Beeraleyda dalagyada ay beeranayaan lagu dhiira geliyo in uu ku filan yahay.

Rubac qarni ka hor Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya waxaa laga beerayaa Dalagyo Cayiman oo aan ku filneen Baahi tirka Bulshada Soomaaliyeed waana qeyb ka mid ah Farsamo xumida ku hareysan Beeraleyda Dalka.

Waxaan si Kooban Ubaraneynaa Dalagyada Beeraha Xiligan lagu Beero Noocyada ay ka kooban yihiin iyo xiliga ay kaga soo jaran karaan Beeraha waxayna Isugu jiraan Dalagyada  iyo Qudrada Aanu Beerano xiligan.

Dalagyada kala ah GALEYDA, MASAGADA, SISINTA, iyo Qudrada BABAAYGA Hal xili Beered ayaa soo Wada Go,ayaan waa hadii mar qura la wada Beero (isku xili) waana 90 Maalmood (Saddex Billod)

Sidoo kale Dalaga DIGIRTA & qudrada YAANYADA Hal xili Beered ayaa soo Wada Go,ayaan waa hadii mar qura la wada Beero (isku xili) waana 80 Maalmood (Laba Billod iyo Labaatan Cisho)

 Waxaa Intaasi ka dheeraad ah Muuska oo 180 Beri ku Bislaada Lowska oo 120  Maalmood ku Diyaarsama Halka Liimada 5 Sano lagu Gurto Cambahana 6 Sano oo Buuxda uu ku Bilaabo Miraha.

Muhiimada ayaa ah Bulshada Soomaaliyeed Mudnaan Intee la Eg ayaa Siinayaan Wax soo Saarka Beeraha Dalka Soomaaliya waa Sul,aal Jawaabteeda Qof walba si uu uga jawaabayo waloow Aanay imaan lahey Su,aashani hadii Beeraha iyo Webiyada Qeyraadka la Butaacaya Aqoonteeda lahaan laheyn.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *